Isbedel lagu sameeyay hogaanka sare ee Xarakada Alshabab



Muqdisho (Alshahid)-Sida ay shaaciyay Idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, waxaa isbedel lagu sameeyay hogaanka sare ee Xarakada Alshabab ayada oo xilka la  qaaday ku xigeenada ammiirka Xarakada laguna kala diray golaha shuurada.
Warbixinta VOA-da ayaa lagu sheegay in laga helay ilo wareedyo ku dhow dhow hogaanka sare ee Alshabab, waxaana ay sheegtay in ammiirka kooxda Axmed Godane kuna howl gala magaca Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubeyr uu xilka ka qaaday ku xigeenadiisa Mukhtaar Roobow Cali (Abu Mansuur) iyo Ibrahim Afghani (Abuubakar Al-Saylici).
Warbixinta ayaan si buuxda u faah faahin sababta keentay xilka qaadista, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambeysay khilaaf bilahan soo jiitamayay oo ka dhex taagnaa Roobow iyo Godane.
Axmed Godane ayaa ay warbixintu sheegtay inuu si kumeel gaar ah ku xigeen ugu magacowday Mahad Warsame Qaleey oo lagu naaneyso Mahad Karateey.
Karateey ayaan waxbadan laga aqoon balse waxaa la tilmaamay inuu madax u ahaa nabad sugida Alshabab.
Golaha shuurada ee Alshabab ayna ku jireen labada oday ee Xasan Dahir Aways iyo Xasan Turki ayaa sidoo kale la kala diray sida warbixinta lagu sheegay.
Xarakada Alshabab ayaa laba toddobaad ka hor isaga baxday Muqdisho, waxaana ay talaabadaas ku sheegtay mid caskari.
Lama oga in go’aanka uu ammiirka Alshabab ku casilay ku xigeenadiisa uu meel marin doono hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.
Al-Qaacida ayaa warbixinno joogta ah ka hesha madaxda Alshabab, waxaana waxbadan ay ku leedahay go’aannada kama dambeysta ah ee ururka Alshabab.

Comments

Popular Posts